Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Xukuumadda Biden oo sii wadaysa iibinta hubka ku kacaya 23-ka bilyan ee...

Xukuumadda Biden oo sii wadaysa iibinta hubka ku kacaya 23-ka bilyan ee Imaaraatka

Dowladda Maraykanka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Joe Biden ayaa aqalka kongreeska u sheegtay inay sii wadi doonta hubka laga iibinayo Isutagga Imaaraatka Carabta kaas oo ku kacaya 23 bilyan oo doolar.
Hubkan ayaa waxaa ka mid ah diyaaradaha F-35 ee horumarsan, diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones iyo qalab kale, sida ay kaaliyeyaasha kongress-ka sheegeen .
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in xukuumaddu ay sii wadi doonto iibinta hubkan iyada oo laga wada hadlayo qaabka loo isticmaalayo.
Madaxweyne Biden ayaa joojiyay heshiiska hubka looga iibin lahaa Isutagga Imaaraatka Carabta kaas oo uu horaan uu saxiixay madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments