Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Mucaaradka dalka Tanzania oo ku baaqay dastuur cusub

Mucaaradka dalka Tanzania oo ku baaqay dastuur cusub

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Tanzania Freeman Mbowe ayaa ugu yeeray maamulka cusub ee wadankaasi in uu mudnaanta koowaad siiyo dastuur cusub oo wax looga beddelaya xeerarka wadankaasi kaas oo xadidaya awoodda madaxweynaha.
Mr .Mbowe oo ah madaxa xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ee Chadema ee dalka Tanzania, ayaa khudbad uu dhawaan jeediyay ku sheegay in dastuurka hadda dalkaasi laga isticmaalo uu awood u siinayo qofka hoggaanka haayo inuu kaligii taliye noqdo ama boqor sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu intaa ku daray in mudnaanta dowlad dhiska ay ahaato jadwal iyo qaab howleed lagu beddelayo dastuurka.
Waxaaa uu dhanka kale ugu baaqay madaxweynaha dalka Tanzania Saamiya Suluhu Xasan inay si dhow ula socoto soo jeedin ay dhawaan soo badhigtay ee ka dhan xaaladaha fayraska Corona ee dalkaasi si loo magacaabo guddi khuburo caafimaad ka kooban oo baaraya COVID-19.
Xilka madaxweynenimo ee dalkaas ayaa waxaa dhawaan la wareegtay Samiya Suluhu Xasan ka dib geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Tanzania Dr. John Pombe Magufuli oo ay ku xigeen u ahayd oo u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments