Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Mareykanka oo kasoo horjeystay muddo kororsiga ay sameeyeen golaha shacabka Soomaaliya

Mareykanka oo kasoo horjeystay muddo kororsiga ay sameeyeen golaha shacabka Soomaaliya

Guddiga xiriirka dibadda Aqalka Sare ee waddanka Mareykanka ayaa kasoo horjeestay muddo kororsiga ay Xildhibaannada Shacabka u sameeyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka Senator Bob Menendez oo ah Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadaas ay curyaamineyso geedi socodka lagu baadi goobayo qabashada doorasho lagu kalsoonaan karo.
“Doorashooyinka wakhtigooda dhaca waa tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda caafimaadka qabta, qorshaha muddo kordhintu waa jebinta qawaaniinta dimuqraadiyadda & halista xasilloonida Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri’ Qoralka Sanoter-ka.
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Daneeyayaasha inay gaaraan is afgarad, isla markaana la joojiyo isku dayga lagu wiiqayo wadahadalka oo ah wadada loo maro doorashooyinka lagu kalsoon yahay.
Warkan kasoo baxay Guddiga xiriirka dibadda Aqalka Sare ee waddanka Mareykanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Wakiillada Beesha Caalamka aysan weli ka hadlin Go’ankii Golaha Shacabka muddo kordhinta ugu sameeyeen Hay’adaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments