Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Midowga musharraxiinta Soomaaliya oo shir uu Muqdisho uga socda

DHAGEYSO:Midowga musharraxiinta Soomaaliya oo shir uu Muqdisho uga socda

Waxaa uu shir uga socdaa Hoteel ku yaal Magaalada Muqdisho Xubnaha Midowga Musharixiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ee ku mideysan yihiin Madasha Badbaado Qaran loogu magac daray.
Shirkaan ayaa waxay uga hadlayaa muddo kordhinta ay golaha Shacabka ee Baarlamaanka shalay u ansxixiyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sida laga yeelayo maadaama dhowr jeer ay ka digeen muddo kordhinta.
Xubnaha Midowga Musharixiinta & Madasha badbaado Qaran ayaa waxa la filayaa in kulankooda ay kasoo saaraan Warmurtiyeed looga hadlayo xaalad dalka iyo tallaabada ay qaadanaan.
Wararka la helayo ayaa waxaay sheegayaan in Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland la filayo inay dib ugu laabtan degaannadooda, iyagoo Muqdisho u joogay shirkii aan wax natiijo ah kasoo bixin ee Madaxda dowlada & Maamul Goboleedyada ku yeesheen Teendhada Afisiyooni.
Dhanka kale qaar ka mid odayaasha dhaqanka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka ku eedeeyay inay dalka fowdo Galinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments