Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xildhibaan soo jeediyay in lagu dhawaaqo in COVID-19 uu yahay musiibo qaran

Xildhibaan soo jeediyay in lagu dhawaaqo in COVID-19 uu yahay musiibo qaran

Mudanaha deegaanka Emurrua Dikirr ee ismaamulka Narok Johanah Ng’eno ayaa dowladda dhexe kula taliyay in ay shaaciso in cudurka COVID-19 uu yahay musiibo qaran.
Mr. Ngeno ayaa sheegay in caabuqa corona uu saameyn ballaaran ku sii yeelanaya dalka in kastoo 5 ka mid ah ismaamullada dalka xayiraad dhanka safarrada ah la geliyay.
Waxaa uu baaqan jeediyay xilli uu ka qayb galay aaska wasiirkii waddooyinka iyo adeegga dadweynaha ee Narok John Marindany oo Arbacadii cudurka COVID-19 ugu dhintay Nairobi.
Xildhibaanka ayaa xusay in hadii lagu dhawaaqo in xanuunka COVID-19 uu yahay musiibo qaran ay suurtagalayso in dhammaan lacagaha loo qoondeeyay mashaariicda kale lagula dagaallamo cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments