Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo hakiyay kulankii golaha...

DHAGEYSO:Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo hakiyay kulankii golaha shacabka

Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa waxaa uu shaaciyay inay joojiyeen kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa.
Taliye Saadaq Joon oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay joojiyeen kulankii Xildhibaanada oo ajendihiisu ahaaa ka doodista Mooshinka Doorashooyinka Qaranka.
Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin muddo kororsi loo sameeyo Hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, isla markaana caddeeyay in Caasimadda dalka aan laga abuuri karin amni darro.
Mar uu arrimahan ka hadlayay ayuu yiri

Sidoo kale Taliyaha guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ugu baaqay inuu qaato doorkiisa siyaasadeed ee ku aadan doorashooyinka dhacaya, uuna ka qeyb galo shirarka looga hadlayo doorashooyinka.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe uga digay inuu joojiyo hadallada uu jeedinayo, islamarkaana uusan sheegin wax loo soo dhiibay, waa sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments