Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Golaha SUPKEM oo dowladda ka codsaday in ay muslimiinta caawiso xilliga Ramadaan

DHAGEYSO:Golaha SUPKEM oo dowladda ka codsaday in ay muslimiinta caawiso xilliga Ramadaan

Sii hayaha xilka guddoomiyaha golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM Xasan Ole Naado ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in ay taageero dhanka dhaqaalaha ah siiso bulshada muslimiinta gaar ahaan kuwa saboolka ah xilliga bisha Ramadaan.
Xasan Ole Naado ayaa dhanka kale muslimiinta ku nool dalka gaar ahaan kuwa ku sugan 5 ismaamul oo xayiraad dhanka safarrada ah la saaray ka codsaday in ay soomaan iyaga oo u hoggaansamaya amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.
Guddoomiyaha golaha SUPKEM ayaa sheegay in ay jiraan in ka badan hal milyan oo Kenyaan ah oo ku nool deegaannada oomanaha ee loo yaqaano (ASAL) kuwaasoo u baahan gargaar cunno.
Xasan Ole Naado oo arrimahan ka hadlay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Narok ayaa yiri

Guddoomiyaha ayaa arrin walaaceeda leh ku tilmaamay in tirada qoysaska macluul wajahaya ee ku nool ismaamullada Tana River, Wajeer, Garissa, Mandera iyo Isiolo oo sanadkii hore ahayd 700,000 ay hadda gaartay ugu yaraan hal milyan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in tiradan ay bisha sideedaad ee sanadkan sare u kici karto boqolkiiba 90 sida laga soo xigtay maamulka maareynta abaaraha ee (NDMA) hadii aan tallaabo degdeg ah la qaadin.
Xasan Ole Naado ayaa sidoo kale bulshada muslimiinta ku boorriyay in qof kasta shakhsiga dhaqaale ahaan ka hooseeya uu caawiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments