Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DEGDEG:Taliyaha booliska gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

DEGDEG:Taliyaha booliska gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha guud ee qaybta Booliska Gobolka Banaadir.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliye Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo ahaa Taliyihii Booliska Gobolka, isagoona mid cusub u magacaabay.
Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamad Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare.
Taliye Saadaq Joon ayaa saacad kahor warbaahinta ka shaaciyay inuu baajiyay kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.
Waxaa uu sheegay Taliyihii hore ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon in marnaba aan la aqbali doonin muddo kororsi Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyaan Hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments