Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 21 qof oo ku xanniban goob macdanta laga soo saaro dalka Shiinaha

21 qof oo ku xanniban goob macdanta laga soo saaro dalka Shiinaha

Wakaaladda wararka ee dowladda Shiinaha ee Xinhua ayaa ku warramaysa in 21 qof oo macdan qodoto ah ay weli ku xanniban yihiin goob macdanta laga soo saaro oo ku taalla gobolka waqooyi galbeed ee Xinjiang.
Tani ayaa timid ka dib markii ay goobtaasi duntay.
Ilaa iyo hadda waxaa la soo badbaadiyay 18 qof oo ka mid ah macdan qodotada gobolkaas.
Bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii la xaqiijiyay dhimashada 10 qof oo ka mid ah dadka ka ganacsado soo saaridda macdanta ee Shiinaha ka dib qarax laga soo tabiyay gobolka xeebta dalkaas ee Shandong .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments