Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya MD Farmaajo oo loogu baaqay inuu ku soo laabto shirka Afisyooni

MD Farmaajo oo loogu baaqay inuu ku soo laabto shirka Afisyooni

Mamaulka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamnaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo in uusan fashilin Shirka Afisiyooni, islamarkaana uu kusoo laabto.
Qoraal kooban oo Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Afhayeenka Maamulka Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa waxaa uu ku sheegay in Puntland weli diyaar u tahay wada-hadal, isla markaana Farmaajo ay ka dalbadanayaan in uusan fashilin Shirka Afisiyooni.
“ Waxaan ugu baaqeyna Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka ayuu yiri” Jaamac Dabaraani.
Warkan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa kusoo aadayaa xilli Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ay sheegtay in shirkii Afisiyooni ay fashiliyeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, balse labada Maamul ay sheegeen in uusan fashilmin shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments