Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 10 wiil oo loo xiray in ay xalay u dhaceen dugsiga gabdhaha...

10 wiil oo loo xiray in ay xalay u dhaceen dugsiga gabdhaha ee Nakuru

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay 10 wiil oo arday ah ka dib markii ay xalay gudaha u galeen dugsi sare oo ay gabdho wax ka bartaan.
Ardaydan ayaa dhigta dugsiga sare ee wiilasha ee Anestar Bahati waxaana loo haystaa in ay galeen mid ka mid ah xarumaha jiifka ee dugsiga sare ee gabdhaha ee Anestar Precious Girls .
DCI ayaa sheegtay in ardaydan ay ka mid yihiin kuwa sameynaya imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare (KCSE-da)
Ilaa iyo hadda ma cadda ujeedka ay halkaas u tageen.
Ciidamada booliska ee saldhigga Githioro ayaa isla markiiba arrinkan ka falceliyay ka dib qaylo-dhaan ka soo yeertay gabdhaha.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka ay xireen 10 ka mid ah wiilasha halka kuwo kale ay goobta ka baxsadeen.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliska ee Dundori si looga qaado tallaabada xigta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments