Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wafdi dowladda dhexe ka socda oo maanta gobolka Gedo gaaray

Wafdi dowladda dhexe ka socda oo maanta gobolka Gedo gaaray

Wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar ayaa u ambabaxay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Wafdigaan ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Wasaraadda Gaadiidka iyo Mas’uuliyiin kamid ah Maamulka Gobolka Gedo.
Ujeedka Safarka Wasiir Oomaar ee Garbahaarey ayaa waxaa lagu sheegay dhagax dhigista Garoon diyaaradeed oo ay yeelato Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka, maadaama halkaas sanado badan aysan laheyn Garoon.
Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaaladaas, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka degmada iy qeybaha Bulshada.
Dadka dagan Magaalada Garbaraaheey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa la sheegay in dhowr sano kahor ay isku dayeen inay isxilqaan ku dhistaan Garoon diyaaradeed, balse caqabado ka hor yimid uu hakad ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments