Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Nin tooriyeeyay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo la xiray

Nin tooriyeeyay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo la xiray

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in xabsiga la dhigay mid ka mid ah gaadiidleyda ismaamulka Meru oo loo haysto inuu tooriyeeyay nin kale oo mooto kaxeynayay.
Nin dilkiisa mindida loo adeegsaday ayay waaxdu magaciisa ku sheegtay Ian Mwenda oo 25 sano jir ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in lagu dhaawacay inta u dhexeysa Maua iyo suuqa Antubochiu galinkii dambe ee Isniinta.
Waxaa la geeyay isbitaalka Maua Methodist Hospital si looga daaweeyo dhaawaca halkaas oo uu ku nafwaayay.
Ciidamada saldhigga booliska ee Maua ayaa markiiba guda galay in ay raadiyaan eedeysanaha dilka gaystay oo ugu dambeyn laga soo qabtay aagga Mutuati.
Waxaa uu eedeysanaha hadda ku jiraa saldhigga booliska halka saraakiisha ay baaritaano dheeraad ah wadaan si ay maxkamadda u soo taagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments