Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Puntland iyo Jubbaland ku eedeysay shirkii maanta ee natiijo...

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Puntland iyo Jubbaland ku eedeysay shirkii maanta ee natiijo la’aanta ku soo dhammaaday

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka warbixiyey Natiijada Shirkii madaxda dowladda federaalka dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo aan wax hehsiis ah lagu garin.
Wasiir Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaliya ay Ummadda Soomaaliyeed u cadeyneyso in Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ay diidan yihiin in dalka ka dhacdo doorasho Aas’aaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September.

Saacadihii hore ee Maanta ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in isafaham horudhac ah lagu gaaray shirka Afisiyooni, sida in qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta & gudoomiyeyaasha labada Aqal ka qeyb galan Shirweynaha wadatashiga doorashooyinka.
Shirkii Maanta Teendhada afisiyooni ku dhex-maray Madaxda dowladda, Dowlad Goboledyda & Gobolka Banaadir ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, iyada oo lagu kala tegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments