Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Shir looga hadlayo amaanka oo Boosaaso lagu qabtay

Shir looga hadlayo amaanka oo Boosaaso lagu qabtay

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Majiino) ayaa shir Gudoomiyay kulanka guud ee Amniga Gobalka Bari, oo xalay lagu qabtay Xafiska Duqa Degmada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Kulanka waxa goob joog ahaa dhamaan Gudiga Amniga Gobalka Bari, Sarakiil ka socotay Madaxtooyada Maamulka Puntland Lataliyaasha Dhinaca Amniga Madaxweynaha Puntland iyo Masuuliyiin kale.
Sidoo kale, shirkaan ayaa waxa ka qeyblay Gudoomiyaasha Xafadaha Magaalada Bosaaso, Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Bosaaso.
Saraakiisha Amniga iyo mas’uuliyiinta ka qeybgalay kulankaan ayaa isla wadaagay latashiyo dhinaca amaniga ah,is looga shaqeeyo nabad galyada Magaalada Boosaaso iyo Guud ahaan Gobalka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments