Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dowladda Jordan oo mamnuucday in wax laga qoro amiir ku eedaysan Khalalaase

Dowladda Jordan oo mamnuucday in wax laga qoro amiir ku eedaysan Khalalaase

Xeer ilaaliyaha guud ee caasimadda dalka Jordan ayaa soo saaray warbixin uu ku mamnuucayo daabicidda macluumaadka ku saabsan shirqool ay boqortooyada dalkaasi ku eedaysay dhaxal sugihi hore ee wadankaasi Amiir Xamsa sida uu baahiyay telefishanka qaranka ee dalkaasi.
Arrinkani ayaa ku soo aadaya iyada oo mar sii horaysay uu amiirkan ka tirsan boqortooyda dalkaasi uu sheegay in laga dhigay xabsi guri.
Amiir Xamsa oo uu dhalay boqorkii hore ee dalkaJordan ayaa can ku ah dhalilidda dowladda dalkaasi .
Warbixinta ka soo baxday dowladda dalkaasi ayaa lagu sheegay in hay’daha ammaanka wadankaas ay wadaaan baaritaanada la xiriira Amiir Xamsa iyo edaysanayaal kale sidaasi awgeedna aan laga faloon karin warbixinada quseeya arrimahan.
Dad gaaraya ilaa 16 qof oo lagu soo edeeyay ku lug lahaanshaha shirqool ka dhan ah amniga boqortooyada Jordan ayaa xabsiyada la dhigay Shalay, halka Amiir Xamsa laga mamnuucay in uu wax dhaqdhaqaaq ah sameeyo in kasta oo dhaxal sugihi hore ee dalkaasi uu dhankiisa shaaciyay in uusan adeeci doonin amarrada la dul dhigay.
Waxaa sidoo kale laga xiray qadkii internetka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments