Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Daadad xiray wadada isku xirta magaalooyinka Gaarisa iyo Hola

Daadad xiray wadada isku xirta magaalooyinka Gaarisa iyo Hola

Waxaa wadada ku xayirmay rakaab badan oo ku safrayay wadada isku xirta magaalooyinka Hola iyo Gaarisa ka dib markii ay ku soo rogmadeen daadad badan oo uu sababay roob mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ay.
Daadadka ayaa jaray wadada Bilbil oo 4 kilomitar u jirtay magaalada Bura.
Tani ayaa sababtay in dhowr baabuur oo ku sii jeeday Hola kana yimid Nairobi iyo kuwa u soo socday dhanka Nairobi oo ka yimid Bura ay dib ugu laabtaan magaalooyinka u dhow.
Qaar ka mid ah rakaabka oo caradooda muujiyay ayaa sheegay in carruurtooda ay halis u galeen macluul inta ay wadada ku xayirnaayeen.
Maamulka qaran ee waddooyinka waaweyn ee KENHA ayaa ka digay isticmaalka wadada ay roobabku saameynta ku yeesheen .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments