Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maamulihii hore ee madaxtooyada dalka oo geeriyooday

Maamulihii hore ee madaxtooyada dalka oo geeriyooday

Warbaahinta qaranka ee KBC ayaa ku warramaysa in uu geeriyooday Abraham Kiptanui oo horay maamule uga soo noqday madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee state house.
Mas’uulkan ayaa xilkan hayay muddo dheer xilligii madaxweynii labaad ee Kenya Daniel Toroitich Arap Moi.
Waxaa geeridiisa maanta warbaahinta u xaqiijiyay qoyskiisa.
Qoyska ayaa sheegay in Abraham uu geeriyooday arroornimadii hore ee shalay ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.
Abraham Kiptanui oo ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital ayaa madaxweyne Moi la shaqeynayay ilaa 1996-dii xilligaas oo uu howlgab noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments