Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Nabaddoon lagu dilay gobolka Gedo

Nabaddoon lagu dilay gobolka Gedo

Wararka aan ka helayno Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo Koonfurta dalk Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay lagu dilay nabaddoon caan ka ahaa degaanadaasi, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaasi.
Warbaahinta Gudaha Soomaaliya ayaa daabacday in koox hubaysan ay Toogasho ku dileen Nabaddoon Maxamad Xaashi Diriye  xilli uu kasoo baxay Salaadda Cishaha, waxaana Nabadoonku uu kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka ee laf-dhabarta u ah arrimaha nabadaynta Gobolka, gaar ahaan Degmada Beled-xaawo iyo deegaanada Hoos yimaad.
Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Kooxdii dilka Fulisay ay Isaga Baxsadeen Goobta, waxaana halka falku ka dhacay gaaray Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo Howlgallo ka sameeyay xaafadda dilku ka dhacay iyo xaafadaha kale ee ka ag dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments