Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 48 qof oo ku dhimatay shilkii tareen ee Taiwan

In ka badan 48 qof oo ku dhimatay shilkii tareen ee Taiwan

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil tareen oo laga soo tabiyay jasiiradda Taiwan.
Ugu yaraan 48 qof ayaa shilkaas ku nafwaayay halka dhaawaca uu yahay 66.
Shilka ayaa yimid ka dib markii saaka uu tareenka ka baxay khadkii loogu talagalay ka dib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Wasiirka gaadiidka ee Taiwan Lin Chia-lung ayaa sheegay in tareenka uu siday 490 qof oo rakaab ah in kastoo waaxda dab damiska ay horay tiradan ku sheegtay 350.
Shilka ayaa lagu sheegay midkii ugu saameynta badnaa marka la eego khasaaraha ka dhashay ugu yaraan muddo 40 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments