Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Shir lagu waday inuu maanta u furmo madaxda Soomaaliya oo dib u...

Shir lagu waday inuu maanta u furmo madaxda Soomaaliya oo dib u dhacay

Waxaa maanta dib u dhac ku yimid shir lagu waday inay yeeshaan madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasoo la filayay inuu ka dhaco xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Arrintaan ayaa Timid kadib markii khilaaf horleh uu hareeyay shirar gaar-gaar ah oo ka socda magaalada Muqdisho, kuwaasoo u gogol-xaarayay shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, oo la filayo inay yeeshaan Madaxda dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhinacyadu ay weli isku fahmi la’ yihiin arrimaha Shirka, gaar ahaanna ka qayb-galka iyo ajandaha Shirka, oo ay ku jiraan qaabka loo furay,qodobada lagu bilaabayo iyo muddada uu soconayo.
Shirka oo la doonayay in la furo Talaadada maanta ah ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, waxaana weli socda kulamo goonni-goonni ah iyo dadaallo ku jihaysan in isfaham laga gaaro muranka la xiriira qabsoomidda Shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments