Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Shacabka Kenyaanka oo la sheegay in maalin kasta ay qaatan deyn ah...

Shacabka Kenyaanka oo la sheegay in maalin kasta ay qaatan deyn ah 1.2 bilyan oo shilin

Sanadkii la soo dhaafay shacabka Kenyaanka ah ayaa maalin kasta qaadanayay 1.2 bilyan oo shilin oo ah lacagaha deymaha ee adeegga loo yaqaano Fuliza iyo sidoo kale m-shwari.
Arrintan ayaa loo sababeeyay shaqo la’aanta baahsan ee uu horseeday xanuunka covid-19.
Warbixin uu soo saaray bangiga NCBA ayaa lagu sheegay in sannadkii hore lacag dhan 432 bilyan oo shilin ay shacabka deeyn ahaan u qaateen iyaga u maraya habka looga dalbado taleefonka gacanta ee fuliza.
Lacagtan ayaa ka badan tii sannadkii 2019-kii ay amaah ahaan u qaateen qaar ka mid ah shacabka taas oo ahayd 330 bilyan.
Lacagaha deymaha ee fuliza iyo m-shwari ayaa qayb ka ah adeegyada shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments