Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Muwaadin u dhashay Ingiriiska oo la xiray ka dib markii diyaarad aan...

Muwaadin u dhashay Ingiriiska oo la xiray ka dib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay ku wareegatay guriga William Ruto

Muwaadin u dhashay boqortooyada Ingiriiska oo lagu magacaabo Hind Jeremy islamarkaana da’adiisu tahay 37 sano jir ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii diyaaradiisa oo aan duuliye lahayn la sheegay inay ku dul wareegatay hoyga ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ee xaafadda Karen.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay gelinkii dambe ee shalay.
Booliska ayaa sheegay in Mr. Jeremy la xiray isla markaana ay haatan socdaan baaritano ku aaddan dhacdada argagaxa dhalisay.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nairobi Augustine Nthenge ayaa sheegay in dhacdadan ay ku soo wargelisay marwada madaxweyne ku xigeenka dalka Mrs. Rachel Ruto abaare 3-dii galabnimo ee shalay ka dib markii ay aragtay diyaarad aan duuliye lahayn oo dul heehaabaysa gurigooda.
Waxaa uu intaa ku daray in xogta ku jirta qalabka keydka ee laga helay diyaaradda ay ka caawin doonto baarayaasha inay helaan macluumaad dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments