Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 15 qof oo ku dhintay dooni ay saarnaayeen dad...

In ka badan 15 qof oo ku dhintay dooni ay saarnaayeen dad aroos ah oo ku dagtay Guinea

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay dooni ay saarnaayeen dad aroos ah oo kula dagtay xeebaha Waqooyi ee dalka Guinea sida ay sheegeen saraakiisha wadankaas.
Dadkan ayaa ka soo laabtay aroos ka dhacayay aagga Kanfarande xilligii ay la qalibantay doonta sida laga soo xigtay sarkaal ka shaqeeya badaha.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray in tirada dadkii saarnaa doonta ay ahayn mid cayiman balse la buux dhaafiyay.
Xasan Sanoussi Camara oo matalayay dowladda Guinea ayaa xaqiijiyay dhimashada 15-ka qof.
Waxaa sido kale la sheegay in dad gaarayo 20 laga soo badbaadiyay shilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments