Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo loogu baaqay in ay bixiso qarashaadka dadka looga baaro cudurka...

Dowladda oo loogu baaqay in ay bixiso qarashaadka dadka looga baaro cudurka COVID-19

Madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua ayaa dowladda dhexe ugu baaqday in ay dusha saarato qarashaadka la xiriira baaritaannada iyo daaweynta cudurka COVID-19 ee bukaannada ku jiro isbitaallada guud.
Haweeneydan ayaa sheegtay in xayiraadda dhanka isku socodka ee ismaamullada qaar la saaray aynan ahayn xal buuxa oo looga guulaysanaya caabuqa.
Waxay carrabka ku adkeysay in Kenyaanka badankoodu uu cudurka culeys nololeed ku keenay sidaas awgeedna aynan awoodin in ay lacagaha baaritaannada iyo daaweynta xanuunkan ay bixiyaan.
Waxay hoggaamiyaha Narc Kenya ku celcelisay in maamulka talada haya ee Jubilee laga doonayo inuu maalgelin ballaaran ku sameeyo dhanka caafimaadka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments