Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maamulka Puntland oo eedaymo u jeediyay dowladda Dhexe

Maamulka Puntland oo eedaymo u jeediyay dowladda Dhexe

Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdisamad Maxamad Gallan ayaa sheegay in shakhsiyaad magaca Soomaaliyeed wata wakhtigoodiina dhamaaday ay kala irdheeyaan dadka soomaaliyeed sida uu hadalkiisa u dhigay.
Wasiirka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya ee muddo xileedkeeda uu ka dhamaaday ay ka Shaqeeynayaan sidii loo burburin lahaa Maamulka Puntland, isla markaana dhaqaalo ku bixinayaan.
Wasiir Gallan waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya Madaxdeeda aysan ka hadlin weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso, taas beddelkeedana ay degaannada Puntland ka wadaan kicin dadweyne iyo inay abuuraan khalalaaso.
“ Waxaad ka wada dheregsan tihiin in Magaalooyinka Amniga ah oo ay ugu dambeeysay Magaalada Dhahar inay isku dayeen inay falqalado ka abuuran inay dadka kiciyaan iskana horkeenaan, inay Baraha bulshada ku muujiyeen wixii ka dhacay Dhahar in ay yihiin in dad lagu xadgudbay ayuu yiri” wasiirka Amniga Puntland.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in howlaha ay Madaxda dowladda Soomaaliya ka abaabulayaan magaalada Muqdisho in aysan aheyn wax laga sugi karo oo ah dawadii Soomaaliya.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland ayaa kusoo aadayaa xilli uu xoogeysaty khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments