Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Hoggaamiyihii hore ee Ivory Coast oo xukun lagu ridayo Arbacada

Hoggaamiyihii hore ee Ivory Coast oo xukun lagu ridayo Arbacada

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dagaalka ee ICC ayaa Arbacada go’aan ka gaari doonto kiiska ka dhanka ah madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo.
Gbagbo oo ah 75 sano jir iyo hoggaamiyihii dhallinyarada ee hore ee Charles Ble Goude ayaa laga tirtiray dambiyadii loo haystay sannadkii 2019-kii kuwaas oo la xiriira rabshadihii doorasho dhacday toban sano ka hor.
Dacwad oogayaasha ayaa ka hor imaaday tallabada kiiska looga bari yeelay Mr. Gbagbo waxayna doonayaan in dib loo maxkamadeeyo.
In ka badan 3,000 oo qof ayaa la dilay ka dib markii u masu’ulkani dood galiyay natiijadii doorashadii 2010-kii.
Gbagbo ayaa diiday inuu xilka ku wareejiyo madaxweeynaha haatan talada haya ee Alassane Ouattara, balse waxaa taasi soo farageliyay ciidamada Faransiiska.
Sannadkii 2011-kii ayaa kiiskiisa loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee magaalada Hague.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments