Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Qaar ka mid ah madaxda muslimiinta oo dowladda ugu baaqay in ay...

DHAGEYSO:Qaar ka mid ah madaxda muslimiinta oo dowladda ugu baaqay in ay fasaxdo howlaha cibaadada ee masaajidda

Iyada oo ay nagu soo fool-leedahay bisha barakeysan ee Ramadaan ayay qaar ka mid ah culimada ismaamulka Mombasa dowladda ugu baaqeen in ay dib u eegis ku sameyso amarro ay dhawaan shaacisay.
Maalinkii Jimcaha ayay ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sheegay in howlaha goobaha cibaadada sida salaadaha jamaacadaha ah la joojiyay gaar ahaan 5 ismaamul.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale mamnuucay isku imaatinka dadweyne ee dowlad deegaannadan.
Culimaaudinka Mombasa ayaa sheegaya in aan arrinkaas lagala tashan madaxda muslimiinta sidaas awgeedna ay ahayd in laga fiirsado.
Waxay carrabka ku dhufteen in amarkan uu saameynaya cibaadada gaar ahaan xilliga bisha Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments