Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Bangiga adduunka oo digniin ka soo saaray dhaqaalaha Myanmar

Bangiga adduunka oo digniin ka soo saaray dhaqaalaha Myanmar

Bangiga adduunka ayaa sheegay in dhaqaalaha wadanka Myanmar uu sanadkan hoos u dhici karo boqolkiiba 10 xasilooni darrada jirta awgeed.
Waxay tani ku soo aadaysa iyada oo dibadbaxayaasha ka soo horjeedo afgembigii ay militariga wadanka Myanmar sameeyeen bishii hore ay maanta oo Jimco ah sii wadaan mudaharaadyada.
Warbaahinta Mizzima ayaa ku warramaysa in shacabka ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Mandalay.
Dadweynaha ayaa sita qoraalo ay ka mid tahay dhaqdhaqaaqa amar diidada rayidka.
Wadamada sida Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa horay xayiraado ugu soo rogay shirkado lala xiriirinaya militariga Myanmar si ciidamada difaaca loogu cadaadiyo in ay maamulkii rayidka talada dib ugu celiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments