Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maamulka Jubaland oo ka hadlay Heshiiska Dowlada dhexe iyo Wasiir Janan

Maamulka Jubaland oo ka hadlay Heshiiska Dowlada dhexe iyo Wasiir Janan

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa ka hadlay heshiiskii dhexmaray Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur Janan iyo dowlada Fedraalka Soomaaliya, iyadoo shalay lagu soo dhaweeyay C/rashiid Janan degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Go’anka uu qaatay Cabdirashiid Janan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Maamulka Jubaland, welina mowqifkooda arrimaah Gobolka Gedo uu yahay sidiisii.
Wasiirku Wuxuu sheegay inay ka warheleen waqtiyadii ugu dambeeyay inuu C/rashiid Janan wada-Hadalo kula jiro dowladda Federalka Soomaaliya, hayeeshee Shaqadii uu ka tegay ay wali sideedii u sii socon doonto.
Maamulka Jubaland ayaan ku dheeraan ka hadalka go’aanka Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur Janan uu kula heshiiyay dowladda Soomaaliya, hayeeshee shalay ayuu xilkii Wasiirnimo ka qaaday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments