Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Madaxda soomaalida oo lagu eedeeyay inay dano gaar ah isku hayaan

DHAGEYSO:Madaxda soomaalida oo lagu eedeeyay inay dano gaar ah isku hayaan

Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamad Cabdi Waare ayaa sheegay in arrinta ay Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu isku hayaan ee khilaaafka dhalisay ay tahay dano gaar ah oo ay eeganayaan balse aysan ahayn dan guud oo umadda ka dhexaysa.
Maxamad Cabdi Waare oo ka hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka iyo shirarka marar badan baaqday ee arrimaha doorashada looga hadli lahaa ayaa sheegay inay is faham dari weyn ay ka dhex jirto Hoggaanka Sare ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira,ayna Muhiim tahay in ugu horayn la xalliyo waxyaabaha la isku Khilaafsan yahay ee dib u dhaca Sababay.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay inaysan xal ahayn Ciidamo iyo adeegsiga awoodo dheeraad ah oo aan waxba soo kordhinayn maadaama dalkaan uu horay u soo maray dhibaatooyin kala duwan Xilliyo badana ay hojgaamiye Kooxeedyadii isku dayeen inay adeegsadaan awood Ciidan walow aysan u suurogalin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments