Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 57 qof oo loo xiray in aynan u hoggaansamin amarrada COVID-19

57 qof oo loo xiray in aynan u hoggaansamin amarrada COVID-19

Waxaa gacanta lagu dhigay kadibna maxkamadda deegaanka Kibera ee magaalada Nairobi la soo taagay 57 eedeysanayaal ah oo loo haysto in aynan raacin amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.
Maxkamadda ayaa shakhsiyaadkan ku amartay in ay toddobo cisho bulshada u adeegaan.
Inta ay qabanayaan howlaha nadaafadda waxaa dhaqdhaqaaqooda si dhow ula socon doono saraakiisha maamulka loo xilsaaray qaar ka mid ah adeegyada caasimadda dalka ee NMS.
Hal isbuuc gudihii ayaa laga doonaya in ay maalin kasta shaqeyaan laga billaabo 8-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.
Meelaha ay nadiifinayaan waxaa ka mid ah suuqa Muthurua.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments