Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya MD Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo kulan...

MD Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo kulan hordhac ah ku yeeshay Afisyooni

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee dalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Goor dhow kulan hordhac ah ku yeeshay Teendhada Afisyooni.
Kulanka oo uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa looga hadlay furitaanka Shirka guud ee Maanta dhexmaraya Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ee xilka sii-haayo Maxamad Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish, waxaana intiisa badan diiradda lagu saaray Ajendaha looga hadlayo Shirka Madaxda oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Caalamka ee ka dhacaya Afisyooni.
Maamulka Puntland ayaa qaadacay ka qayb galka shirka Madaxda ee Magaalada Muqdisho ka furmaya, waxaana Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo hadlay uu sheegay in Shirkaas aysan ka qeyb geli doonin, maadaama aan lagu soo wargelin.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe laga shaki qabo inuu isna ka qeyb gelin Shirka looga hadlaya khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments