Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madasha badbaado qaran oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay

Madasha badbaado qaran oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Gole loo bixiyay “Madasha Badbaadada Qaran ee Soomaaliyeed” ayaa waxaa ku midaysan Qaar ka mid ah maamul Goboleedyada, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Golaha oo goordhaweyd lagu dhawaaqay ayaa waxaa ay soo saareen war-murtiyeed dhinacyo badan taabanaya oo oo ay kaga hadlayaan sababaha keenay in lagu dhawaaqo Madashaan iyo waxyaabaha hiigsigoodu yahay, waxaa sidoo kale lagu faah faahiyay u jeedka loo aas-aasay Madasha.
War-murtiyeedka ay soo saareen waxaa ay eedeymo culus ugu jeediyeen Madaxweyne farmaajo, waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday uu caqabad ku yahay in dalka doorasho ay ka dhacdo iyo in uu is hor istaag ku sameeyay kulamada ay inta badan yeeshaan Madaxda Mucaaradka ah.
Waxaa sidoo kale ay ku sheegeen war-murtiyeedka in  Madaxweyne Framaajo uu Ciidanka Qaranka u adeegsaday dano gaar ah iyo in uu amray weerraro lagu qaaday qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.
Golaha Badbaado Qaran ee lagaga dhawaaqay maanta  Muqdisho ayaa waxaa ku midaysan , Jubbaland, Puntland, Midowga Musharaxiinta Mucaaradka iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland.
Sidoo kale Madashu waxaa ay Guddoomiye u doorteen Cabdi Xaashi Cabdullaahi  Guddoomiyaha Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Hoos ka akhriso War-murtiyeedka oo dhinacyo badan taabanaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments