Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay ku Wajahan yihiin deegaano shabaab-ka

DHAGEYSO:Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay ku Wajahan yihiin deegaano shabaab-ka

Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay ku Wajahan yihiin deegaano shabaab ka
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda degaanada maamulka Galmudug ku sugan ayaa ku dhawaaqay inay qaadi doonaan howlgal ballaaran oo marka ugu horreysa lagu xoreyn doono degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud halkaasoo ay AL Shabaab Mudo sanado ah gacanta ku hayeen.
Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa Xerada tababarka Har-qaboobe ku booqdey Ciidamo tababar dhameystay oo dhawaan la qalabeyn doono kuwaasoo qeyb ka noqonay howlgalkaan.
Taliyaha waxaa uu sheegay inay diyaariyeen Ciidankii xoreyn lahaa degaanada ay jooggaan A-Shabaab dadka shacab ahna loogu baahan yahay diyaar garow.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in xuquuqdooda loo dhameystiri doona Ciidanka cusub ee dhawaan tababarku u dhamaaday si loo xoojiyo howlgallada AL-Shabaab Ka dhanka ah.

Hadalka taliyaha ayaa yimid xilli Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug uu shalay ku dhawaaqay howlgal weyn oo Shabaab looga saarayo degaanada Galmudug isagoo sheegay inay wadaan qorshe ugu danbayn dhamaadka Sanadkaan shabaabka looga saarayo deegaanada Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments