Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland oo qarax lala eegtay

Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland oo qarax lala eegtay

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Puntland ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulkaas.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Sarkaalka oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed laguna Magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Yeey) lala beegsaday Gaari uu watay xilli uu marayay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.
Sarkaal oo ka tirsan Laanta dambi-baarista Puntland ee C.I.D, ayaa ka badbaaday qaraxa, hayeeshee goobjoogayaal ay sheegeen in uu burbur xoogan soo gaaray gaariga uu watay Sarkaalka.
Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah walow aysan dad u qaban qaraxaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments