Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Guddoomiyaha xisbiga wadani oo eedaymo u jeediyay madaxweynaha Somaliland

DHAGEYSO:Guddoomiyaha xisbiga wadani oo eedaymo u jeediyay madaxweynaha Somaliland

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani C/raxmaan Maxamad C/laahi Cirro oo magaalada Hargaysa Waraysi ku siiyay Warbaahinta Soomaaliland ka Howlgasha ayaa Xukuumadda Soomaaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Wuxuu Ku dhaliilay in Saddexdii Sano ee ay Talada Hayeen aysan Wax Muuqda ka qaban Arrimaha Aas-aasiga u ah Nolosha Bulshada.
Baahiyaha uu sheegay inaysan Xukuumaddu Waxba ka qaban ayaa Waxaa ka mid ah Biyaha,Caafimaadka,Waxbarashada iyo dhismooyinka Waddooyinka Muhiimka ah sida uu sheegay.

Gudodomiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Wadani oo Wax laga Waydiiyay Saamaynta uu Soomaaliland ku yeelan Karro Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhexeeya qaar ka mid ah Wadamada Geeska Afrika ayaa sheegay inay Saamayn ku yeelan karto hadii lagu dhex Milmo.

Waxaa uu ugu dambayntii Soo hadal qaaday Wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ee Mudada soo socday wax is afgarad Muuqdana aan laga gaarin ayaa soo jeediyay Talooyin Muhiim ah oo uu sheegay inay ka mid yihiin inay dalalku kala go’aan oo ay kala madax banaanaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments