Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Kuuriyada Koonfureed oo hakinaysa iskaashiga militari ee ay la leedahay Myanmar

Kuuriyada Koonfureed oo hakinaysa iskaashiga militari ee ay la leedahay Myanmar

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa shaacisay in ay hakin doonto xiriirka dhanka gaashaan dhigga ee ay kala dhexeya wadanka Myanmar.
Waxaa sidoo kale la mamnuucayaa hubka dalkaas loo dhoofiyo.
Tani ayaa timid ka dib markii ay sare u kaceen howlgallada lagu tilmaamay kuwo rabshadeysan ee ay ciidamada ammaanka kaga falcelinayaan dibadbaxyada.
Sidoo kale Kuuriyada Koonfureed ayaan waxyaabaha muhiimka ah geyn doonin Myanmar waxayna ka baaran degaysaa dib u eegista gargaarka dhanka horumarka iyo baniaadanimada ilaa iyo ay xaaladda taagan ka soo hagaagayso.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa bayaanka ku sheegtay in kastoo beesha caalamka ay marar badan dalabaad u dirtay militariga Myanmar , in weli ay sii kordheyso tirada dhibanayaasha tani oo loo aaneynaya awoodda ay adeegsanayaan ciidamada difaaca ee booliska ee ka dhanka ah dibadbaxayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments