Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo dowladda India ka heshay 100,000 oo ah tallaalka COVID-19

Kenya oo dowladda India ka heshay 100,000 oo ah tallaalka COVID-19

Dowladda Kenya ayaa xirmadii labaad ee tallaalka COVID-19 nooca Oxford-AstraZeneca ka heshay dowladda India.
Safiirka India u joogo wadanka Virander Paul ayaa sheegay tallalkan lagu soo hagaajiyay wadanka India, islamarkaana ay tahay tallaabo wanagsan oo loo qaaday dhanka iskaashiga labada dal.
Mr .Virander Paul ayaa intaa ku daray in labada dal ay iska kaashan doonaan horumarinta waaxyaha caafimaadka ee Kenya iyo dhinacyada kale.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in 100,000 oo kuuro ama doos oo ah kuwa daawooyinka tallaalka ee la keenay wadanka ay muujinayso in waxyaabo badan lagu wanaajin karo gudaha dalka.
Wasiirka caafimaadka dalka Mutahi Kagwe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda India taageerada tallaalka COVID-19 isagoo xusay in kaalin weyn uu ka qaadan doono badbaadinta nolosha shacabka.
Mr. Kagwe ayaa sheegay in tallaalka qaybaha kala duwan ee dalka uu si wanaagsan u socdo isagoo shacabka ugu baaqay in ay tallaaka qaataan.
Waxaa uu xusay in Kenyan badan ay caafimaad u dontaan India gaar ahaan kuwa qabo xanuunka kansarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments