Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ugu yaraan 7 qof oo lagu dilay dalka Myanmar

Ugu yaraan 7 qof oo lagu dilay dalka Myanmar

Ugu yaraan toddobo qof ayaa lagu dilay dalka Myanmar ka dib markii ciidamada amniga ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal ka soo horjeeda afgambiga militari ee dalkaas sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo warbaahinta maxalliga ah.
Lix qof oo ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay bartamaha magaalada Myaing ee dalka Myanmar.
Mid ka mid ah dadka mudaharadaya oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in uu gacan ka geeystay in meydadka shaqsiyaadka geeriyooday la geeyo isbitaalka.
Shaqaale caafimaad oo sugan magaalada Myaing ee dalka Myanmar ayaa xaqiijiyay dhimashada dhammaan toddobada qof.
Arrintan ayaa imaaneyso kadib markii hay’adda caalamiga ee arrimaha biniadanimada Amnesty International ay militariga dalkaas ugu baaqday in ay xakameeyaan habka ay uga jawaabayaan dibadbaxyada dalkaasi ka socdo.
In ka badan 60 qof oo dibadbaxayaal ah ayaa Myanmar lagu dilay halka xabsiyada la dhigay 2,000 oo qof tan iyo afgembigii wadankaas ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments