Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo saaxiibada horumarka baaq u diray

Madaxweynaha dalka oo saaxiibada horumarka baaq u diray

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dowladaha iyo hay’adaha Kenya kala shaqeeyo arrimaha horumarka ka codsaday in ay kaalin ka qaataan barnaamijka shaqo abuurka loogu sameeyay dhallinyarada deegaannada ee loo yaqaano ‘Kazi Mtaani’,
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada State House ayaa lagu sheegay in Mr. Kenyatta uu ku taliyay in la taageero barnaamijyada dadweynaha ee ay sida tooska ah kaga faa’iidaysanayaan muwaadiniinta.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in barnaamijka uunan keliya shaqo abuur u sameyn kumannaan dhallinyaro ah balse uu sidoo kale da’yarta ka caawiyay in iyaga oo adeegsanaya tababarada la siiyay ay sare u qaadaan xirfadooda dhanka maaliyadda iyo arrimaha ganacsiga.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa arrimahan kaga hadlay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay madaxda hay’adaha caalamiga oo uu ku marti qaaday xarunta madaxtooyada ee Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments