Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Baarlamaanka oo billaabay dhageysiga afkaarta dadweynaha ee hindisaha sharci beddelka

Baarlamaanka oo billaabay dhageysiga afkaarta dadweynaha ee hindisaha sharci beddelka

Guddi isku dhaf ah oo ka kala socdo baarlamaanka iyo aqalka sare ee dalka ayaa maanta billaabay in uu dhageysto dareenka shacabka ee ku aaddan hindise sharciyeedka BBI ee lagu doonayo in wadanka ay ka dhacdo afti lagu beddelaya qaar ka mid ah xeerarka wadanka.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii hindisahan laga ansaxiyay golayaasha hoose ee 43 ka mid ah 47 ismaamul ee Kenya.
Waxaa laga diiday oo keliya dowlad deegaannada Baringo, Elgeyo Marakwet iyo Nandi halka wakiillada Uasin Gishu ay ka gaabsadeen in ay meel mariyaan ama dhinac iskaga dhigaan.
Kooxo kala duwan ayaa la filayaa in ay afkaartooda la wadagaan kulamada ay sida wadajirka ah u qabanayaan guddiyada arrimaha sharciga iyo cadaaladda ee baarlamaanka iyo aqalka sare.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ilaa 18 koox maanta ay dareenkooda gudbiyaan.
Kal-fadhigii ugu horreeyay ee kulamadan waxaa fursad la siiyay ururada naafada , wadayaasha mootooyinka , ururka haweenka deegaannada Nairobi ,golaha hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwo kale.
Ururka qareenada dalka ee LSK oo uu hoggaamiyo Nelson Havi ayaa guddiyada kal-fadhiyada yeelanaya ugu baaqay in uu dhinac isaga dhigo hindise sharciyeedka BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments