Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Qaramada midoobay oo sheegtay in dembiyo dagaal laga gaystay Tigray

Qaramada midoobay oo sheegtay in dembiyo dagaal laga gaystay Tigray

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in dembiyo dagaal ay ka dhaceen gobolka waqooyi ee dalka Itoobiya ee Tigray.
Waxay falalkan ku eedeysay saraakiisha dowladda Eritrea oo ay ka dalbatay in ay gobolkaas isaga baxaan.
Hasa ahaate dowladda Eritrea ayaa beenisay in saraakiisheeda ay gabodfallo gaysteen.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa codsaday in gargaar baniaadanimo halkaas la gaarsiiyo iyada oo ka digtay in xaaladda ay sii xumaan karto.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa doonaya in ay gobolka Tigray ka baxaan ciidamada Eritrea sida laga soo xigtay afhayeenkiisa Stephane Dujarric halka madaxa qaramada midoobay ee xuquuqul aadanaha Michelle Bachelet ay dalbanayso in baaritaano la sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments