Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Qaybta ugu horreysa ee talaalka COVID-19 oo Talaadada dalka la keenaya

DHAGEYSO:Qaybta ugu horreysa ee talaalka COVID-19 oo Talaadada dalka la keenaya

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaciyay in galinka dambe ee maalinka Talaadada wadanka la soo gaarsiin doono qaybta ugu horreysa ee talaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in talaalka la keenaya Kenya uu yahay geeddisocod muddo qaadanaya.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in mudnaanta koowaad la siin doono saraakiisha caafimaadka , macallimiinta, ciidamada ammaanka iyo shakhsiyaadka dhibaatooyinka u nugul.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladdu ay dejisay qorsho iyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan qaybinta talaalka ka dhanka ah COVID-19 .
Mr. Kagwe ayaa dhanka kale sheegay in ilaa iyo hadda aynan jirin shirkad khaas ah ama shakhsi talaalka COVID-19 keenaya dalka maadaama shirkadaha daawooyinkan soo saaro ay fursadda koowaad siinayaan dowladaha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in tirada kiisaska ee kordhay ay muujinayso in bulshada dhexdeeda uu cudurka ku faafaya.
Wasiirka caafimaadka ee Kenya Mutahi Kagwe ayaa dadweynaha ugu baaqay in aynan fududeysan halista cudurka oo ayna si buuxda u ilaaliyaan xeerarka lagu xakameynayo faafitaankiisa sida gacmo dhaqashada , kala fogaanshaha iyo isticmaalka afsaabka.
Waxaa uu sheegay in kiisaska shalay la xaqiijiyay ay u badnaayeen rag sidaas awgeedna uu doonayo in ragga ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments