Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kalkaaliyaasha dalka oo shaqo joojin soo afjaray

Kalkaaliyaasha dalka oo shaqo joojin soo afjaray

Ururka ay ku mideysan yihiin kalkaaliyaasha dalka ee KNUN ayaa soo afjaray shaqo joojin xubnaha ka tirsan ay ku guda jireen in muddo ah.
Waxaa go’aankan shaaciyay xoghayaha guud ee kalkaaliyaasha Kenya Mr. Seth Panyako.
Howlwadeenada caafimaadka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya ismaamullada Taita Taveta, Kisumu, Kisii iyo Busia ayuu u sheegay in ay shaqooyinkoodi dib ugu laabtaan.
Waxaa uu xusay in maxkamaddu ay hor istaagtay qorsho la doonayay in saraakiishan shaqada looga eryo.
Shaqo joojinta kalkaaliyaasha dalka ayaa socotay ku dhawaad saddex bilood.
Seth Panyako ayaa sheegay in saraakiisha caafimaad laga doonayo in ay iska xaadiriyaan isbitaaladii ay ka shaqeynayeen ugu dambeyn 5-ta galabnimo ee maanta .
7-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay kalkaaliyaasha billaabeen shaqo joojin qaran iyagoo ka cabanaya xaaladaha shaqo iyo gunnooyin aan la siin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments