Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Senatarka Murang’a oo ka hadlay ansaxinta BBI ee ismaamullada

Senatarka Murang’a oo ka hadlay ansaxinta BBI ee ismaamullada

Senatarka laga soo doortay ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka Mr. Irungu Kang’ata ayaa sheegay in hindise sharciyeedka BBI ee laga ansaxiyay 38 ka mid ah dowlad deegaannada dalka aynan ka turjumeyn rabitaanka shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay suuragal tahay in wakiillada qaar ay eegeen danahooda gaarka ah .
Qoraal uu saacado ka hor soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ayuu ugu hambalyeeyay wakiillada ismaamullada.
Waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in natiijada BBI ay ahayd mid la filayay maadaama wakiillada ismaamullada loo oggolaaday in 2 milyan oo shilin ay baabuur ku iibsadaan.
Senatarka ayaa sheegay inuu rajeynayo in baarlamaan xubnaha ka tirsan la kordhinaya sida ku xusan qorshaha BBI aynan sabab u noqon doonin in canshuur dheeraad ah la saaro beeralayda qaxwaha , caleenta shaaha , caanaha iyo afakadaadhaha.
Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale uu ku duceysanaya in ganacsatada yaryar ee Murang’a,Kenol,Kangari, Kiriaini,Kangema iyo Kirwara aan laga qaadin canshuur dheeraad ah.
Mas’uulkan ayaa horay looga qaaday xilka madaxii Jubilee u qaabilsanaa dhanka kala dambeynta ee aqalka sare ka dib warqad uu u qoray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu Kang’ata warqadaas ku sheegay in qorshaha sharci beddelka ee guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI uunan taageero buuxda ku lahayn ismaamullada ku yaalla bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments