Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo ku baaqay in loo gurmado shacabka ku...

DHAGEYSO:Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo ku baaqay in loo gurmado shacabka ku nool deegaanka Yaaqbari weyne

Senatar Naciima Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan Xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqday in gurmad amni iyo mid nololeedba lala gaaro shacabka deegaanka Yaaqbari weyne ee Gobolka shabeellada Hoose oo Al-shabaab ay Barakiciyeen.
Deegaaanka Yaaqbari weyne iyo deegaano kale oo hoos yimaada ayaa laga soo tabinayaa Xaalad nololeed waxaana dagaalameyaasha Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen baabuur Dhuxul sida iyo qaar ka mid ah Guryihii ay dadku daganaayeen.
Senator Naciima Ibraahim Yuusuf ayaa waxay dowladda Soomaaliya,Maamulka Koonfur Galbeed,Hay’adaha Samafalka iyo dhammaan dadka wax haysta ay ugu baaqday in loo gurmado shacabka Yaaqbari weyne ku nool oo hadda xaalad adag wajahaya

Xildhibaan Aadan Kaladire oo ka tirsan baarlamaanka hirshabeelle ayaa isna sheegay in Alshabaab ay gubeen 21 tuulo oo dhaca xadka ay wadaagaan Maamullada
Xildhibaan kaladire ayaa sheegay in Maamullada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed looga baahan yahay inay talaabo qaadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments