Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Hindise sharciyeedka BBI oo laga ansaxiyay Kericho iyo Wajeer

DHAGEYSO:Hindise sharciyeedka BBI oo laga ansaxiyay Kericho iyo Wajeer

Wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada Wajeer iyo Kericho ayaa maanta codkooda ku taageeray hindise sharciyeedka BBI .
Tani ayaa tirada guud ee ismaamullada laga ansaxiyay hannaanka sharci beddelka ka dhigtay 40.
Qaar ka mid ah wakiillada golayaasha hoose ee dowlad deegaanka Kericho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay tallaabada ay maanta qaadeen

Barasaabka ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa arrinkan soo dhaweeyay.
Wuxuu sheegay in soo jeedinta ah in dhaqaalaha ay dowladda dhexe siiso ismaamullada ee hadda ah boqolkiiba 15 oo laga dhigo 35 boqolkiiba ay dani ugu jirto Wajeer.
Guddoomiyaha oo arrinkan faahfaahin ka bixinaya ayaa hoosta ka xarriiqay in Wajeer ay hadda hesho lacag dhan 8.5 bilyan oo shilin balse hadii BBI lagu guulaysto ay heli doonto 6 bilyan oo dheeraad ah.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Geedi Cali ayaa wakiillada Wajeer uga mahadcelisay ansaxinta hindisaha BBI.
Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ayay ku sheegtay in uunan jirin shaki ah in shacabka ay BBI ka helayaan isbeddellada ay u baahan yihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments