Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Eedeysanayaal loo haysto in ay haweeney dileen oo maxkamadda la soo taagaya

Eedeysanayaal loo haysto in ay haweeney dileen oo maxkamadda la soo taagaya

Waxaa maanta la filayaa in ay maxkamadda ka soo hormuuqdaan shakhsiyaad lagu tuhunsan yahay dil dhawaan loo gaystay Caroline Wanjiku Maina oo 38 sano jir ahayd.
Haweeneydan ayaa meydkeeda la helay Jimcihii hal toddobaad ka dib markii la waayay.
Ciidamada booliska ayaa sheegay in meydka Caroline lagu arkay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Kajiado.
Maalmo ka hor ayaa sidoo kale la helay baabuurkeeda oo looga tagay xaafadda Kawangware ee magaalada Nairobi gaar ahaan meel u dhow dugsiga hoose dhexe ee Gatina hal maalin oo la raadinayay ka dib.
Eedeysanayaasha maanta la maxkamadeynayo ayaa kala ah Edwin Otieno Odiwuor, Samwel Okoth Adinda, Stevenson Oduor Ouma iyo Mercy Gitiri Mongo.
Laamaha ammaanka ayaa rumeysan in dadkan ay iska kaashadeen dhibaateyn iyo dil ugu dambeyn loo gaystay Caroline Wanjiku Maina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments