Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Mooshin lagu doonayo in waddo ku taalla Nairobi loogu magacdaro Maxamad Yuusuf...

DHAGEYSO:Mooshin lagu doonayo in waddo ku taalla Nairobi loogu magacdaro Maxamad Yuusuf Xaaji oo la gudbin doono

Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee ismaamulka Nairobi Cabdi Guyo ayaa sheegay in toddobaadka soo socdo uu wakiillada hor geyn doono mooshin uu ku doonayo in senatarkii dhawaan geeriyooday ee ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji loogu magacdaro mid ka mid ah waddooyinka ku yaalla caasimadda dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadii tani lagu waafaqo ay noqon doonto tallaabo lagu xusuusto siyaasigii sida weyn uga soo shaqeeyay arrimaha nabadda.
Mr .Guyo ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee senatarkii Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji uu kaalin weyn ka soo qaatay arrimaha BBI ee isbeddellada lagu doonayo ay ka mid tahay sare u qaadidda midnimada shacabka.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee Nairobi Cabdi Guyo ayaa carrabka ku adkeeyay in marnaba doorkii senatarka ee BBI aan la hilmaami karin sidaas awgeedna uu mudan yahay in waddo loogu magacdaro.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale uu sheegay in soo jeedintan laga habboon yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments